Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga falcelisey go’aamada la xiriira midnimada Soomaaliya iyo qorshayaasheeda ku aadan…

Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga falcelisey go’aamada la xiriira midnimada Soomaaliya iyo qorshayaasheeda ku aadan inay Puntland ka goosanayso Soomaaliya inteeda kale, kadib bayaan ay Villa Puntland u gudbisey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay burburiyeen dowladnimadii dalka ayna suuqa geliyeen warar sheegaya in Puntland ka go’ayso Soomaaliya loona adeegsanayo wiiqidda midnimada guud ee dalka.
“Puntland guusheedu waa guul Soomaali oo dhammi gaartey waxaase aad u nasib darro ah in madaxdii qaranimada Soomaaliyeed loo dhiibey inta dumiyeen aysan jirin meel ay ku ogyihiin, waqtigoodii dhammaaday, dastuurkii meeshii ka baxay inay ku eedeeyaan burburinta Somalia, waxaan leenahay inta aad dumiseen Puntland oo Soomaalida kale kaashanaysa ayaa dib u dhisi doonta”, Ayuu yiri Lugatoor.
Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay hormuud u tahay dowlad-dhiska Soomaaliya aysanna ka go’idoonin Soomaaliya,”Puntland marwalba waxay hormuud u tahay dowlad-dhiska Soomaaliya, Puntland kama go’in Soomaaliya kamana go’idoonto laakiin fashilkiina inaad maanta Puntland u soo rartaan waa arrin laga xishoodo.”
Bayaan ay horay Madaxtooyada Puntland ugu dirtay golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah shacabka Puntland xukuumadda ku cadaadinayaan inay go’aan Soomaaliya inteeda kale kadib 30 sano oo dalku wajahayo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo baahsan.




