Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan iyo qado-sharaf la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xog-waraysi iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, iyadoo Madaxweynaha iyo xubnaha Golaha Wakiilladu ay iska xog wareysteen arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Puntland.
Intii uu kulanku socday waxaa la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh Puntland, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo xoojiyo dowladnimada, amniga iyo adeegyada bulshada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista wadatashiyada joogtada ah, si loo mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha jira loona xaqiijiyo danaha iyo horumarka shacabka Puntland.





