Alle ha u naxariistee G/S Mukhtaar Farah Qoryood iyo Cabdifitaax Farah Qoryood ayaa hal goob ku geeriyoodey xilli ay ciidamada Puntland dagaal kula jireen kooxda Daacish.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa caawa magaalada Boosaaso ku qaabilaadda qoyska Alle ha u naxariistee G/S Mukhtaar Farah Qoryood iyo Cabdifitaax Farah Qoryood oo ku shahiiday dagaalka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Kulanka oo ka dhacay Boosaaso, uuna goobjoog ka ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan, ayay madaxda Dawladda Puntland Dhammaan qoyska uga tacsiyadeeyeen Geesiyada ku Shahiiday Difaaca Dalka, iyagoo Alle uga baryay inuu marxuumiinta naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Kulankan ayaa muujinaya sida Dowladda Puntland ay ugu heelan tahay xushmadda iyo garab istaagga ehelada muwaadiniinta geeriyooda, gaar ahaan kuwa ka tirsanaa laamaha amniga ee naftooda u huray difaaca shacabka iyo xasilloonida Puntland.


