Madaxda reer galbeedka iyo kuwa Carabta oo ku shiraya Sacuudiga si ay uga wadahadlaan arrimaha Suuriya

12 January, 2025

Dublamaasiyiintii iyo wasiiradii ugu sarreeyey ee Galbeedka iyo Bariga Dhexe ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan sidii cunaqabataynta looga qaadi lahaa Suuriya.

Wasiirrada arrimaha dibadda iyo dublamaasiyiinta sare ee dalalka reer galbeedka iyo bariga dhexe ayaa isugu tagay caasimadda Sucuudiga si ay uga wadahadlaan mustaqbalka Suuriya, waana shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-asad bishii hore.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani, oo si isdaba joog ah ugu baaqay in meesha laga saaro cunaqabateynta tobanaan sano jirsatay, ayaa soo gaaray Riyadh fiidnimadii Sabtida.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Masar, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Ciraaq, Urdun, Lubnaan iyo Turkiga ayaa kulanka ka soo jeedin doona mowqifka gobolka.

Waxa kale oo shirkan ka qaybgalka kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Bass, Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jarmalka Annalena Baerbock iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy.

Shirka ayaa imaanaya iyadoo maamulka cusub ee Suuriya, oo ay hogaamiso kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ku baaqday in cunaqabateynta laga qaado si reer galbeedka ay u caawiyaan dhaqaalaha iyo dib u dhiska Dimishiq.

Horseed Media