Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa diray hambalyada bisha Barakaysan ee Ramadan, xilli…

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa diray hambalyada bisha Barakaysan ee Ramadan, xilli inta badan dunida Islaamla lagaga dhawaaqay inay berri tahay maalinka 1aad ee Soonka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse, Guddoomiye Aadan Madoobe, Madax hore iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa diray hambalyada bilashada Ramadan.
Dhanka kalena, Wasaaradda caddaaladda Puntland ayaa shaacisay inay berri tahay kowda Bisha Ramadan kadib markii galabta laga arkay degmooyinka Boocame, Qardho iyo Galdogob, sida ay sheegeen culimada iyo wasaaraddu.



