Madaxda ugu sarraysa dowladda Somalia oo gaarey Laascaanood.

16 January, 2026

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia oo ka qaybgeli doona caleema-saarka hoggaanka maamulka Waqooyi…

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia oo ka qaybgeli doona caleema-saarka hoggaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), xubno katirsan golayaasha dowladda iyo marti sharaf kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha xarunta Waqooyi Bari ee Laascaanood ku soo dhaweeyey madaxda maamulkaasi iyo qaybaha bulshada.

Madaxda dowladda federalka ah ayaa ka qaybgeli doona caleema-saarka hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari, iyadoo ujeedadu tahay adkaynta midnimada iyo sidii caalamka loo tusi lahaa inaysan Somaliland ka arrimin dhammaan gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee yimaada Laascaanood kadib Maxamed Siyaad Barre oo booqday muddo 50 sano ka badan kahor.