Madaxda Waqooyi Bari oo ka hadlay caleema-saarkoodii Laascaanood.

19 January, 2026

Madaxda ugu sarraysa maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray caleemasaarkoodii 17…

Madaxda ugu sarraysa maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray caleemasaarkoodii 17 January 2026 ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna caasimadda Waqooyi Bari.

Madaxweyne Firdhiye oo garoonka diyaaradaha Laascaanood ku sagootiyey wafuuddii ka qaybgashay caleema-saarka ayaa siweyn uga mahadceliyey sida habsamid leh ee xafladdu u dhacday, wuxuuna sheegay in wax walba sidii loo qorsheeyey u qabsoomeen iyadoo nabad ah.

Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa baahiyey suugaan duurxul ah, isagoo muujiyey sida uu u saguuley inaysan muuqan matalaaddii gobolka Sanaag.

HOOS KA AKHRISO

Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhay

Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi

Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye

oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye,

Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo

Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho

Abwaan Saahid Qamaam Cali