Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo barlamaanka looga yeeray.

3 May, 2025

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda,…

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ujeedadu ahayd dabagalka Miisaaniyadda 2025.

Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey su’aalo la xiriira dhaqangalka Miisaaniyadda 2025, faah-faahinta dakhliga iyo kharashka muddada lagu jiray Miisaaniyadda 2025, xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada ee Miisaaniyadda ku jirta iyo cabashooyin ka yimi dadweyanaha oo la xiriira cashuuro.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa faah-faahin ka bixiyey dhammaan su’aalaha ay waydiiyeen Guddigu.

Gaba-gabadii kulanka waxaa Guddigu kula dardaarmeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda in ay dardargeliyaan dakhli ururinta, ayna joogteeyaan bixinta xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada.