Madaxdii Hore oo Ku eedeeyey Xasan Sheekh ku tagrifal awoodeed.

19 August, 2025

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ku dhaliilay dowladda Xasan Sheekh iyagoo ku eedeeyay in si…

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ku dhaliilay dowladda Xasan Sheekh iyagoo ku eedeeyay in si sharci darro ah loo burburiyay guryo iyo dhismayaal ku yaalla Muqdisho, Waxay sheegeen in tallaabooyinkani ka hor imaanayaan xuquuqda muwaadiniinta.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalada dhulka danta guud aysan raacin nidaamka sharciga ah, isla markaana aan bulshada si cad loogu wargelin, Madaxweynayaashu waxay soo xigteen qodobo dastuuriga ah oo ilaalinaya xuquuqda dadka.

Waxay ku baaqeen in dadka laga barakiciyay dib u dejin loo sameeyo si waafaqsan sharciga iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, Sidoo kale waxay ku adkeysteen in hantida danta guud loo baahan yahay in loo maamulo si cadaalad ah.

Madaxdii hore waxay uga digeen ganacsatada in aysan ku kadsoomin iibka dhulalka aan sharciyeysnayn. Waxay sheegeen in arrintaasi keeni karto khilaafaad iyo cadaalad-darro.

Ugu dambeyn waxay dowladda ugu baaqeen inay dib u eegto go’aannada dhulka danta guud ayna ka fogaato sida ay sheegeen awood sheegasho ka dhan ah dadka dan yarta ah, Warsaxaafadeedku wuxuu beegmayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan burburinta dhismayaasha.