Xafiiska Madaxtooyada dowladda Puntland ayaa awaamiir cusub duldhigay wasiiradii cusbaa ee uu dhawaan soo Magacaabay Madaxweynaha…

Xafiiska Madaxtooyada dowladda Puntland ayaa awaamiir cusub duldhigay wasiiradii cusbaa ee uu dhawaan soo Magacaabay Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee Madaxtooyada dowladda Puntlad Carshe Maxamed Siciid ayaa lagu faray xubnaha cusub ee golaha xukuumadda in si kumeel gaar ah loo joojiyey isbedel kasta oo lagu samaynayo qaab-dhismeedka hay’addaha, wasaaradaha iyo shaqaalaha dowladda.
“Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha, hay’adaha madaxbannaan iyo maamullada gobolada Puntland in si kumeelgaar ah loo joojiyay isbeddel kasta oo lagu sameynayo qaab-dhismeedka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda” ayaa lagu yiri warqada.
Wareegtada ayaa lagu sheegay,“Go’aankan waxaa lagu dhaqmayaa inta ay dowladda Puntland ka dhameystirayso diyaarinta siyaasadda iyo jihaynta cusub ee dowladda, taas oo si rasmi ah loogu soo bandhigi doono hay’adaha ay khuseyso marka ay diyaar noqoto”.




