Madaxtooyada Puntland oo looga arrinsaday xaaladda abaaraha.

31 January, 2026

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Abaaraha…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Abaaraha ee Puntland oo maanta iska xog-wareystay sida ay Howlaha Gurmadku u socdaan iyo qorsheyaasha diyaarsan.

Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay in Abaarta Puntland ka jirta ay saameysay dad gaaraya 1.2M oo qof, Waxaana si hor-dhac ah looga jawaabay xaaladda iyadoo Guddigu qabtay shaqooyin ay ka midyihiin dayactir lagu sameeyay 103 Ceel-biyood, Raashin iyo Lacag Caddaan oo la gaarsiiyey dadka Abaartu saameeysay iyo daaweynta kumanaan xoolo ah oo isugu jira Geel, Arri iyo Lo’.

Dowladda Puntland ayaa dhammaan Degmooyinka iyo Gobollada si rasmi ah uga billaabaysa biyo- dhaamis dhameystiran si Biyo loo gaarsiiyo dadka ku nool dhammaan degmooyinka iyo Gobollada Puntland ee Abaartu saameeysay.