Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada…

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu dhaarinayay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland.
Xubnaha cusub ee la dhaariyay ayaa waxaa dhaariyay Garsoore Axmed Xuseen Maxamed (Soomaali) oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, isagoo ku adkeeyay inay si daacadnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Mas’uuliyiinta maanta la dhaariyay waxaa ka mid ah Axmed Bashiir Muuse oo loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, iyo Maxamed Siciid Saalax oo loo dhaariyay xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Dhaarinta xubnahan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo howlaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada ay wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, iyadoo la filayo inay si rasmi ah u bilaabaan gudashada waajibaadkooda shaqo maalmaha soo socda.





