Madaxtooyada Puntland oo u jawaabtey Ra’iisul Wasaare Xamse.

13 April, 2026

Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga jawaabtey hadal uu habeenimadii xalay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi…

Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga jawaabtey hadal uu habeenimadii xalay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre, ku weeraray qaar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada ka soo horjeeda Villa Somalia.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in ciidanku weerari karaan maamulada qaadacsan qorshohooda aan loo qaban.

“Wiilka Xamse ah mas’uuliyad ma saarna, talo faro kuma hayo, wuxuu ku hadlay waa fal-denbiyeed, duqii keeneyna waqtigii ka dhammaa”, Ayuu yiri Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in dowladda federalka ah ay marwalba ka saxantahay dowlad goboleedyada aanna la aqbali doonin hoggaamiye maamul goboleed oo xambaarsan aragtiyo kale, sida uu hadalka u dhigay.