Madaxtooyada Puntland ayaa caawa war rasmi ah ka soo saartay markabka Sea World ee ku xiran…
Madaxtooyada Puntland ayaa caawa war rasmi ah ka soo saartay markabka Sea World ee ku xiran dekedda Boosaaso kadib markii gacanta lagu dhigay xilli uu hub u sidey Magaalada Muqdisho.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay bilowgiiba lasoo xariireen Ganacsato sheeganaysa shixnada, haddana Safiirka Turkiguna sheegtay, taas oo kaliftay in baaris dheeraad ah lagaliyo Markabka.
Dhanka kalena, dowladda Puntland ayaa warqaddii ka soo baxday dowladda Somalia ku sifaysay mid aan sharci aheyn oo been abuur ka buuxo, waxaana gabi ahaanba ay PL sheegtay in ay baaris wadayso.
Puntland ayaa been abuur kutilmaantay in shixnad ganacsi aysan saarnayn markabka, waxayna sheegtay in agabyada saaran ay nabadda iyo daganaanshaha Soomaaliya halis kuyihiin.



