Madaxtooyada Somalia oo Derada & Magaca Axmed madoobe ka ilaalasay qoraalka booqashadii Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta…

5 October, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.