Xukuumadda Algeria ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay xukuumadda Israel safiirka rasmiga ah ugu magacawday…

Xukuumadda Algeria ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay xukuumadda Israel safiirka rasmiga ah ugu magacawday Magaalada Hargiesa ee maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda Federalka ah ee Somalia.
Madaxweynaha Algeria, Cabdelmajiid Tebboune ayaa aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah laguna wiiqayo midnimada dadeed iyo dhuleed ee Somalia.
“Waxa aan muujinayaa cadho weyn oo ku aaddan go’aanka maamulka Israa|l uu ku jebinayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika”, Ayuu yiri Cabdelmajiid Tebboune.
Inta badan dalalka Africa, kuwa Carabta iyo ururo caalami ah ayaa si adag u cambaareeyey aqoonsiga Somaliland iyo tallaabadii Yuhuuddu safiirka buuxa ugu magacawday Hargiesa.




