Madaxweynaha Georgia oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ankara

7 March, 2025

Danjirahaan ayaa sidoo kale Soomaaliya uga masuul ah wadamada bartamaha Aasiya iyo Gobolka Koofurta Khowkhaas

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Joorjiya (Georgia) Mudane Mikheil Kavelashvili.

Danjirahaan ayaa sidoo kale Soomaaliya uga masuul ah wadamada bartamaha Aasiya iyo Gobolka Koofurta Khowkhaas, waxaana howshiisu tahay isku xirka nidaamka dibolomaasi ee ka dhaxeya dalkeenna iyo kuwa kale.

Kulanka danjiraha iyo madaxweynaha Joorjiya (Georgia) waxaa looga hadlay xiriirka wax wada qabsi ee labada dal iyo sida loo soo celin karo xiriirkii iskaashi ee horay uga dhaxeyn jiray Soomaaliya iyo  Georgia.

Horseed Media