Madaxweynaha Imaaraadka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirro uu ku jiro danjiraha Israa’iil

11 April, 2025

Wakaalada wararka ee Imaaraatka Carabta ayaa ku warantay in Madaxweyne Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirnimo safiiro ka socda dalal badan oo loo soo magacaabay dalkaasi.

Wakaaladdu waxay sharraxday in Madaxweynaha Imaaraadka Carabtu uu u rajeeyay in safiirrada cusub ay ku guulaystaan ​​hawlahooda shaqo in la xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo dalalkooda, kaas oo saldhig u ah is-ixtiraamka, iskaashiga, iyo danaha guud.

Danjirayaasha cusub ayaa kala ah: Jorge Rafael oo u dhashay Guatemala, Tariq Ahmad oo ka socda Jamhuuriyadda Dadka ee Bangladesh, Dr. Mawien Makol Arik oo ka socda Koonfurta Suudaan, iyo Aman Saliyev oo ka socda Jamhuuriyadda Kyrgyzstan.

Waxaa weheliya Roy Manuel Hangam ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Timor-Leste, iyo Lutfullah Goktas, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha Imaaraadka ayaa sidoo kale warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Dr. Taweesi Minet Taupo, Safiirka Tuvalu; Yossi Cheli, Safiirka Israel; Lisa Mastrellari Vega, Safiirka Jamhuuriyadda Panama; Emilio Bengodos, Safiirka Boqortooyada Spain; Omar Tigen Edibi Berdi, Safiirka Jamhuuriyadda Chad; iyo George Gangagava, Safiirka Georgia.

Horseed Media