Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dalkiisu uu ka gudbi karo haddii cunaqabatayn mar kale la soo rogo.

20 September, 2025

Madaxweynaha dalka Iran, Mascuud Pezeshkian ayaa Sabtidii sheegay in Iran ay ka gudbi doonto cunaqabatayn kasta oo dib loogu soo rogo iyadoo la adeegsanayo waxa loo yaqaan )(snapback), kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in aan si joogto ah looga qaadin cunaqabataynta Tehran.

“‘Way xiraan waddada, laakiin maskaxda iyo fikirraduna waa kuwa furaya ama dhisaya waddada,” ayuu yiri Pezeshkian oo hadalladiisa ay baahiyeen telefishinka qaranka dalkaasi.

“Nama joojin karaan annaga. Waxay weerari karaan Natanz ama Fordow (goobaha nukliyeerka ee ay weerareen Maraykanka iyo Israa’iil bishii Juun), balse ma oga in dadka ay yihiin kuwa dhisay oo mar kale dib u dhisi doona Natanz,” ayuu yiri Pezeshkian.

Go’aanka Golaha Ammaanka ayaa yimid Jimcihii kadib markii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ay bishii hore bilaabeen hannaan 30 maalmood ah oo lagu soo rogi lahaa cunaqabatayn, iyagoo ku eedeeyay Tehran in ay ku guuldarreysatay inay u hoggaansanto heshiiskii 2015 ee ay la gashay quwadaha waaweyn, kaas oo lagu doonayay in looga hortago inay soo saarto hub nukliyeer ah, balse Iran waxay beenisay inay leedahay ujeeddo noocaas ah.

“Waligeen ma yeeli doonno inaan qaadano dalabaad xad-dhaaf ah, sababtoo ah waxaan awood u leenahay inaan beddelno xaaladda,” ayuu Pezeshkian ku yiri war ay baahiyeen warbaahinta dowladda.

Hannaanka “snapback”-ka ayaa dib u soo rogi doona cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Iran, haddii aan heshiis laga gaarin dib u dhigid ay ku heshiiyaan Tehran iyo quwadaha waaweyn ee Yurub muddo ku dhow toddobaad gudihiis.

Horseed Media