Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Masoud Pezeshkian ayaa markii ugu si adag uga falceliyey hadalkii…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Masoud Pezeshkian ayaa markii ugu si adag uga falceliyey hadalkii Madaxweynaha Maraykanku ku sheegay inay Iran ka sugayaan isdhiibid bilaa shuruud ah.
Masoud Pezeshkian ayaa si cad u sheegay in Tehran aysan waligood isku dhiibi doonin Mareykanka iyo maamulka Israel, ayna leedahay awood ay ku difaacdo dalkeeda, dadkeeda iyo daneheeda gaarka ah.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Maraykanka ayaa raaligelin ka bixiyey duqaymaha dalalka deriska la ah, oo uu sheegay in la bartilmaameedsan doono oo keliya haddii weerarradu kaga yimaadaan dhankooda.
“Waa In aan la weerarin ama aan gantaallo ku soo ridin dalalka deriska ah haddii aan laga weerarin halkaas, ujeedkeennu ma lihin inaan weerarno waddamada deriska ah”, Ayuu yiri Masoud Pezeshkian oo dalalkaasi ugu yeeray walaalo.



