Madaxweynaha Iran oo ku hanjabay inaysan gorgortan ka geli doonin barnaamijkooda Nukliyeerka.

18 May, 2025

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Tehran aysan marnaba ka laaban doonin barnaamijkeeda Nuclear-ka ah,…

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Tehran aysan marnaba ka laaban doonin barnaamijkeeda Nuclear-ka ah, cadaadis iyo hanjabaad kasta oo ay la kulanto, isagoo meesha ka saaray hadallada xanafta leh ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“Marna kama tagi doono barnaamijkayaga nukliyeerka ah ee nabdoon, wax kasta oo ay sameeyaan, ma dhiibi doono,” Pezeshkian ayaa ka sheegay daabacaadda lixaad ee Madasha Wada-tashiga Tehraan ee caasimadda Iran Axaddii.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Donald Trump uu dalbaday in la hubiyo in Iran aysan helin hubka Nukliyeerka isagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan weeraro lagu bartilmaameedsanayo barnaamijka Nukliyeerka Iran.

“Bini’aadam ahaan, ma aqbali doono in nala qasbo, si kasta oo ay nagu cadaadiyaan – waxaan diidayaa xoog,” ayuu yiri madaxweynaha Iran.