Madaxweynaha Iran Pezeshkian oo sheegay inay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Israel, aysana joojin doonin barnaamijkooda nukliyeerka

23 July, 2025

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dagaal kasta oo ay Israel ku qaadi karto, isaga oo intaa ku daray in aanu rajo ka qabin xabad joojinta labada dal, isagoo dhanka kale xaqiijiyay in Tehran ay ka go’an tahay sii wadida barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Pezeshkian ayaa hadalkan ku sheegtay wareysi gaar ah oo uu siiyay Aljazeera maalintii Arbacada, oo ah kiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii 12-ka maalmood socday ee uu kula jiray Israel bishii hore, oo Mareykanka ka qeyb qaatay.

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo dalalka reer galbeedka ay sheegeen inay xal u raadinayaan hamiga nukliyeerka ee Iran, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in weerarrada lagu qaaday xarumahooda Nukliyeerka ay ka dhalatay waxyeello ka yar tii uu sheegtay Maraykanka.

Madaxweynaha Iran, waxa uu intaa ku daray in duqeymaha Israa’iil, ee lagu dilay hoggaamiyeyaasha millatariga iyo saynisyahannada nukliyeerka, isla markaana waxyeello u geystay xarumaha nukliyeerka, ay doonayeen inay ku ” baabi’iyaan” madaxda Iran, “laakiin gabi ahaanba way ku guuldareysateen”, ayuu yiri.

In ka badan 900 qof ayaa lagu dilay dhanka Iran, tiro badan oo kamid ah waa rayid, halka ugu yaraan 28 qof lagu dilay dhinaca Israa’iil kahor inta aysan xabad joojin lagu dhawaaqin 24-kii June.