Madaxweynaha Jubbaland & Garaad Jaamac oo ka wada hadlay xaaladda kala-guurka siyasaadeed.

25 November, 2025

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sool iyo Cayn ayaa ka hadlay…

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sool iyo Cayn ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Somalia, ilaalinta midnimada umadda iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee ay wajahayso Somalia, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Garaad Jaamac Garaad Cali.

“Madaxweynaha waxaanu iska xogwaraysannay xaaladda guud ee dalka, ilaalinta midnimada dadka iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay xaaladda kala-guurka ah ee dalku gelayo iyo sidii qaab nabdoon oo xasillooni badan looga gudbi lahaa”.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xilli Garaadku siweyn u qaadacay hanaankii ay DFS u wajahday dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia, ayna Kismaayo u diyaar garoobayso martigelinta kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah DFS.