Madaxweynaha Jubbaland iyo Maraykanka oo ka shiray dagaalka Alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah…

7 August, 2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ciidamada iyo hay’adaha amniga. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Jubaland iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada.

Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xoreeyo deegaannada ay wali ku sugan yihiin kooxaha hubeysan. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada iyo iskaashiga amniga si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland iyo wafdiga AFRICOM ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka iyo horumarinta awoodda ciidamada amniga.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye, kaas oo door muhiim ah ku leh isku-dubaridka howlaha amniga. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo dedejinta howlgallada lagu sugayo amniga deegaannada Jubaland.