Madaxweynaha Jubbaland oo abaalmarino guddoonsiiyey arday quraanka ku tartantay.

3 March, 2025

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlada jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa si gaar ah Gaari u gudoonsiiyay Gabar kamid aheed Tartamayaasha ka socday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Dowladda jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa Abaalmarino kala duwan ku Wareejiyay ardayda Kaalmaha Hore ka gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka, Kadib Munaasabad ka dhacday Hoolka Daawad ee Magaalada kismaayo.

Munaasabada Gudoonsiinta Abaalmarinta arday ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Dowlada jubbaland, labada golle ee Dowladda, culimaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Macalimiin, Waalidiin, arday, iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Dowladda jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa Waalidiinta iyo Macalimiinta ardayda ku bogaadiyay Dadaalkooda ku aadan Soo saarida arday Xufaad ah oo Wax tar u leh Bulshada.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa noqday arday kaalinta 1aad u galay ardayda ku tartameysay 30-ka Juz ee Qur’aanka asagoo Madaxweynaha uu abaalmarin ahaan u siiyay Gaari.

Halka Kaalinta 2aad iyo 3aad ee Tartanayaasha 30-ka Juz ayagana Madaxweynaha ku Abaalmariyay Gawaari