Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gelinkii dmabe ee maanta ka soo degey…

Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gelinkii dmabe ee maanta ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Axmed Madoobe oo ay weheliyeen ciidamo iyo wafuud reer Jubbaland ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaanno badan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin iyo katirsan dowladda federalka ah ee Somalia.
Socdaalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasi oo la filayo inuu maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo xasaasi ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, amniga, hannaanka dowlad-dhiska iyo xal u helidda khilaafaadka jira, iyadoo imaanshaha Axmed Madoobe loo arko mid muhiim u ah guusha shirkaasi.



