Madaxweynaha Lubnaan oo dhaleeceeyay Iiraan xilli Israa’iil ay weerarro ka geysanayso Lubnaan

5 June, 2026

Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa ku eedeeyay Iiraan inay “Lubnaan u adeegsanayso gorgortan” wadahadallada ay la leedahay Mareykanka iyadoo duqeymaha dhimashada leh ee Israa’iil ay ka sii socdaan dalka oo dhan inkastoo heshiis xabad joojin ah oo dhawaan la gaaray.

Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa u sheegay wariyaha CNN Christiane Amanpour in Iiraan ay “u adeegsaneyso Lubnaan gorgortanka wadahadalkooda Mareykanka. Waa wax aan la aqbali karin.”, ayuu yiri.

Aoun ayaa yiri “Maaha dalkaaga. Waa dalkeenna. Waa waajib na saaran. Shaqadaadu maaha inaad farageliso dalkeenna.”, isagoo la hadlayey Iiraan.

Madaxweynaha Lubnaan ayaa intaa ku daray in Hezbollah, oo ay taageerto Iiraan, “waa inay taas fahantaa”.

“Hezbollah waa inay fahantaa inaysan jirin waddo kale oo aan ahayn in la fadhiisto oo la hadlo,” Aoun ayaa u sheegay telefishinka CNN. “Ma jirto si kale oo lagu xallin karo dhibaatadan, marka laga reebo wadahadal diblomaasiyadeed.”

Dhinaca kale, Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in saddex kamid ah saraakiishooda lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan.

Warar dhawaan soo baxay oo laga helay warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in Xisbullah ay sii kordhinayso istaraatiijiyad lagu bartilmaameedsanayo saraakiishooda ku sugan koonfurta Lubnaan, taasoo walaac ku abuurtay hoggaanka ciidamada Israa’iil.

Hezbollah waxay sheegtay inay dhowr jeer duqeysay ciidamada Israa’iil meel u dhow Qalcadda Beaufort ee koonfurta Lubnaan maanta iyo shalay.

Kooxdu waxay soo saartay dhowr warbixin oo ku saabsan afar weerar oo maanta dhacay, oo ay ku jiraan duqeynta gaadiidka ciidamada Israa’iil iyo askarta ku sugan magaalada xuduudda ku taal ee Naqoura.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen in ka badan 650 bartilmaameed oo Hezbollah ah usbuucii la soo dhaafay, ayna dileen “in ka badan 125 dagaalyahan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan”.