Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku martiqaadaya gurigiisa Mar-a-Lago ee Florida si uu ugala hadlo wejiga xiga ee xabbad joojinta Gaza.

Isagoo ku hanjabaya tallaabo milatari oo suurtagal ah, Trump wuxuu ka digay in haddii Iiraan ay dib u dhisto xarumaheeda nukliyeerka, Mareykanku uu “mar kale burburin doono”.
Isagoo dhinac taagan Netanyahu, Trump wuxuu ku dhiirrigeliyay Israa’iil inay “la heshiiso” Suuriya, inkastoo Israa’iil ay sii waddo duullaanka militari ee ay ku qaadayso dhulka Suuriya.
Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu si dhakhso ah u bilaabo wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ee Gaza.
Trump iyo Netanyahu ayaa la filayaa inay sidoo kale ka wadahadlaan arrimaha Lubnaan iyo Iiraan.



