Madaxweynaha Poland oo ugu baaqay Trump inuu madaxyada nukliyeerka u raro dhulka Poland

13 March, 2025

Madaxweynaha Poland ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu hubka nukliyeerka u wareejiyo dhulkiisa si looga hortago gardarrada mustaqbalka ee Ruushka, sida uu sheegay Financial Times Khamiistii.

Madaxweyne Andrzej Duda ayaa sidoo kale wargeyska u sheegay inuu hindisahan uu dhawaan kala hadlay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u qaabilsan Ukraine iyo Ruushka, Keith Kellogg.

Poland ayaa hore u sheegtay inay diyaar u tahay inay martigeliso hubka Maraykanka ee barnaamijka wadaagga hubka Nukliyeerka ah, siyaasad-dejiyeyaasha Poland ayaa sidoo kale dhawaan muujiyay xiisaha ay u qabaan fikrad uu soo bandhigay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ah in dalladda Nukliyeerka ee Paris la gaadhsiiyo xulafadeeda Yurub.

“Xuduudaha NATO waxay u dhaqaaqeen bariga 1999, sidaas darteed 26 sano ka dib waa in sidoo kale la beddelaa kaabayaasha NATO ee bari. Aniga ahaan tani waa mid cad,” FT ayaa soo xigtay Duda sida uu ku sheegay wareysi.

Waxay noqon lahayd mid ammaan ah haddii hubkaas uu hore u yaalay dalka, ayuu raaciyay Duda.

Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk, oo ah siyaasi ka soo horjeeda Duda, ayaa sheegay Khamiistii inuu u maleynayay inay wanaagsan tahay in arrimahan oo kale si qarsoodi ah looga hadlo halkii wareysiyada warbaahinta, inkastoo uu raaciyay inuu aaminsan yahay in madaxweynaha uu ujeedo wanaagsan leeyahay.

Horseed Media