Madaxweynaha Puntland & hoggaanka mucaaradka oo ku wajahan Kismaayo.

17 December, 2025

Wafuud heerkeedu sarreeyo oo ka qaybgeli doonta shirka looga hadlayo arrimaha siyaasadda, aammaanka iyo doorashooyinka qaranka…

Wafuud heerkeedu sarreeyo oo ka qaybgeli doonta shirka looga hadlayo arrimaha siyaasadda, aammaanka iyo doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Wafuudda maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxda Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Raysal wasaarayaashii hore, xildhibaano heer federal ah, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Dhammaan wafuuddaani ayaa waxa ay Maalinimada Khamiista ilaa Sabtida ka soo socota kaga geli doona Kismaayo shirka lagu dooranayo hoggaanka Golaha Mustaqbalka JFS oo ay ku midaysan yihiin Jubbaland, Puntland & Madasha Samata-bixinta Somalia.

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyey inuu yahay hoggaamiyaha mucaaradka ah ee aan guud ahaanba qaybta ka ahayn shirka Magaalada Kismaayo.