Madaxweynaha Puntland ka digey khatarta qulqulka Itoobiyaanka.

30 April, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khatar aan la dhayalsan karin ku tilmaamay qulqulka muhaajiriinta…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khatar aan la dhayalsan karin ku tilmaamay qulqulka muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee imaanaya deegaamada Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayey Magaalada Carmo ayaa sheegay inuu = degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku arkay Itoobiyaan badan oo ku qulqulaya buuraha Calmadow, kuwaas oo sheegaya in ay shaqo doon yihiin.

Wuxuu arrintaas ku tilmaamay khatar weyn oo saamayn ku yeelanaysa ammaanka, nolosha iyo cirib dambeedka deegaamada Puntland ayna tahay arrin u baahan in si dhaqso ah wax looga qabto.