Madaxweynaha Puntland oo barlamaanka ka horjeedinaya khudbad xasaasi ah.

25 October, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gabbal-gaabkii shalay soo gaarey Magaalada Garoowe ayaa maanta furaya…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gabbal-gaabkii shalay soo gaarey Magaalada Garoowe ayaa maanta furaya Kal-fadhiga 57aad ee golaha wakiilada dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa barlamaanka ka horjeedin doona khudbad dastuuri ah oo uu inteeda badan kaga hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo arrimaha masiiriga ah ee siyaasadda Soomaaliya, xilli uu sii dheeraaday khilaafka Puntland iyo Villa Somalia.

Arrimaha uu sida gaar ah diiradda u saari doono waxaa kamid ah, waxqabadkii xukuumadda mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi, heshiiskii Puntland iyo Somaliland, shirkii nabadda Ceerigaabo, dagaalka ka dhanka ah Daacish & Alshabaab, arrimaha siyaasadeed ee Somalia iyo qodobo kale.