Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa uu ku wajahan yahay degmada Jirriiban iyo deegaamada hoosyimaada.
Siciid Deni, ayaa la qorshaynayaa inuu kulamo la qaadan doono bulshada maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee degmada Jirriiban oo marar badan ka codsaday inuu indhihiisa ku soo arko xaaladda deegaanka, baahiyaha kajira iyo qorshaha xukuumaddiisa.
Waxaa kale oo Madaxweynuhu booqan doonaan deegaanka dekedda leh ee Garacad isagoo xarigga kajari doona jembi cusub oo lagu soo kordhiyey dekedda, kana qaybgeli doona shir looga hadlayo dardargelinta dhismaha laamiga isku xiraya degmada deegaanka Garacad, Galkacyo iyo degmada xuduudka dhacda ee Galdogob.




