Madaxweynaha Puntland oo booqday xarumaha dowladda ee Qardho.

3 days ago

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo si deg deg ah uga soo laabtay safarkiisii gobolka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo si deg deg ah uga soo laabtay safarkiisii gobolka Mudug ayaa gaarey Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa waxa uu maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda degmada, xarumaha danta guud iyo goobo gaar loo lee yahay.

Warar hoose ayaa sheegaya in muddada uu madaxweynuhu ku sugan yahay Qardho uu kulamo la qaadan doono qaar kamid ah waxgaradka gobolka, maamulka degmada iyo kan gobolka Karkaar, si loo dardargeliyo shaqooyinka dowladda xalna looga gaaro khilaafyo uu kamid yahay muran ka dhashay dhul beereed kuyaalla duleedka degmada Qardho.

Safarka Madaxweyne Deni ee Qardho ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka socdaan gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib shir ay soo abaabushay DFS oo kaashanaysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag.