Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso ku qaabilaya safiirada UK & USA.

20 September, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka ku wajahan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Siciid Deni oo Magaalada Dubai kulamo kula qaatay saraakiil iyo madax katirsan dowladda Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, khilaafka ka dhexeeya Villa Somalia iyo hoggaamiyayaasha Puntland & Jubbaland oo muddooyinkii dambe xoogaystay.

Madaxweynaha ayaa 48-da saac ee soo socda Magaalada Boosaaso ku qaabilo danjirayaasha dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, iyagoo diiradda saari doona dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale.