Madaxweynaha Puntland oo boqolaal askari tababar ugu soo xiray Xorgoble.

1 February, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku yimi degmada Qardho, ayaa Dugsiga tababarka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku yimi degmada Qardho, ayaa Dugsiga tababarka ee Xorgoble tababar ugu soo xiray Dufcadda 7-aad oo ah Ciidanka Booliiska ee ka baxay Dugsiga, kuwaasi oo bartay aqoon Booliis oo dhameystiran.

Munaasabadda xarigjarka waxaa ka qaybgalay Taliyayaasha ciidamada Daraawiishta, Booliska, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Qardho.