Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo afmeeray safar shaqo oo uu muddo laba maalmood…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo afmeeray safar shaqo oo uu muddo laba maalmood ah ku joogey Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.
Madaxweyne Deni ayaa muddadii uu ku sugnaa Badhan la kulmay Suldaan Siciid Cabdisalaan, Odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka, isagoo xarig jaray mashaariic horumarineed kuwa kalena dhismohooda xarigga ka jaray muddadaasi.
Safarka Badhan kadib Madaxweyne Deni waxa uu kulliyadda tababarada ciidamada ee Carmo tababar ugu soo xiridoonaa boqolaal katirsan ciidamada birmadka Puntland oo shalay la gaarsiiyey 15 gaadiidka dagaalka ah oo laga soo dhaqaajiyey xerada PMPF Boosaaso.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa xariga ka jaridoona dhismaha wajiga 1aad ee garoonka kubadda Cagta Shuhadada Boosaaso, isagoo daahfuri doona tartanka kubadda cagta caasimadaha gobolada Puntland.



