Madaxweynaha Puntland oo dhisay degmooyin kamid noqonaya Sanaag & Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 06 ee 03-da Sebteembar 2025…

4 September, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 06 ee 03-da Sebteembar 2025 ku dhisay Degmooyinka Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha degmooyin cusub oo ka tirsan Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Markuu tixgeliyey: Talo-soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa la dhisay Degmada Ceel-Buh oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka Sanaag.

2. Waxaa la dhisay Degmada Baraagaha-Qol oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka Haylaan.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.