Madaxweynaha Puntland oo digniin u diray siyaasiyiinta & ciidamada hubaysan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciidamada ay…

10 July, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciidamada ay Dowladda Federalka ah ee Somalia ka abaabulayso deegaamo katirsan Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Puntland ay isaga filantay cidkasta oo isku dayda carqaladaynta ammaankeeda, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay xukunka xoog ku baadigoobayaan.

Waxa uu sheegay inuusan jirin shaqsi xoog xukun ku qabsan kara aysanna aqbali doonin in cid gaar ah ay danteeda ku dhibaatayso guud ahaan bulshada iyo deegaanka Puntland.