Madaxweynaha Puntland oo gaarey Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo dhaweyn loogu sameeyey…

12 May, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Siciid Deni, ayaa Muqdisho kaga qaybgeli doona shir ay garwadeen ka yihiin wakiilada beesha caalamka una dhexeeya Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka oo uu ugu horreeyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirka oo loo balansan yahay inuu ka qabsoomo xayndaabka Xalane ayaa looga arrinsan doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay dhinacyadu heshiis u gaari lahaayeen kahor 15-ka May oo uu ku egyahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhegaysan doona arragtida dhinacyada si laysugu keeno meel dhexe looguna khasbo inaysan markale ku kala tegin miiska iyadoo ujeedadu tahay in laga baaqsado in dalku galo qalalaase siyaasadeed.