Madaxweynaha Puntland oo hanjabaad u diray SSC KHATUMO.

7 July, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland, kuwaasi oo ah dufcadii 17-aad ee dhameystay tababarka Ciidan ee kulliyada tababarada ee Xergoble, Qardho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Ciidanka Dowladda Puntland meel walbo oo ay joogaan, sida Ciidamada saaran Buuralayda Calmiskaad, Ciidanka sugaya xuduudaha iyo kuwa ka dhex shaqeynaya magaalooyinka, wuxuuna u digay cidkasta oo isku dayda in ay duulaan kusoo qaado Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa digniin culus u diray DFS oo uu sheegay inay faragelin kuwaddo Puntland, isagoo hoggaanka SSC KHATUMO ugu baaqay inay ku ekaadaan dhulkooda aysanna dhib ku noqon ammaanka gobolka.