Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabey gogoshii siyaasadeed ee uu ku baaqay madaxweynaha…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabey gogoshii siyaasadeed ee uu ku baaqay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku baaqay in gogoshu noqoto mid loo dhan yahay.
“Madaxweyanha JFS wuxuu maalintii ciidda ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo dhammaan dadka Soomaaliyeed, waana inuu ka dhabeeyaa arrintaasi”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kalena Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sababta uu uga maqan yahay shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Somalia,”Puntland muddadii ay ka maqnayd golaha MCC waxaa saldhig u ahaa iyadoo laga weecday heshiiskii lagu ahaa oo dadka u dammaanad qaadayey mustaqbalkooda”.
“Waxaan ku celinaynaa arrinta dastuurka ee sida gurracan loo wadey in dib looga laabto, waxaan barlamaanka ugu baaqayaa inay dib u eegaan maalmihii adkaa ee ay soo mareen”, Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ee Somalia.



