Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay juhdi gelisay dib u…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay juhdi gelisay dib u dhiska dowlad dhexe oo federaal ah, balse ay nasiib darro tahay in weli uu taagan yahay khilaaf ku saabsan hannaanka federaalka.
“Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la heli hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray,“Waxaa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la helo hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda dalka, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah.”




