Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Dekedda Boosaaso ay si buuxda u shaqaynayso, isagoo…

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Dekedda Boosaaso ay si buuxda u shaqaynayso, isagoo beeniyay wararka sheegaya inay xiran tahay. Wuxuu xusay in xoolaha nool ay weli ka dhoofayaan dekedda, shidaalkuna uu si joogto ah uga soo degayo, halka maraakiibta iyo doomaha ganacsiguna ay si caadi ah u socdaan.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wararka lagu faafiyay suuqyada iyo baraha bulshada ee sheegaya in Dekedda Boosaaso ay xiran tahay ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, “Dekedda Boosaaso ma xirna, xoolihii baa dhoofaya, shidaalkii baa soo degaya, doonyihii baa xidhanaaya oo hadda socda. Waxaa aad suuqa loo galiyay dekedda Boosaaso waa xidhan tahay, warkaasi waa been.”
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa caddeeyay in dowladda aysan wax canshuur kordhin ah ku samayn shacabka iyo ganacsatada gudaha, isagoo sheegay in waxa la kordhiyay ay yihiin oo keliya khidmadaha laga qaado maraakiibta badeecadaha dalka keena, isagoo xusay in in ka badan 95% maraakiibtaasi ay leeyihiin dad ajaaniib ah.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dakhliga dowladda weli uusan ku filnayn daboolidda baahiyaha adeegyada bulshada, balse uu muhiim u yahay socodsiinta howlaha dowladda. Wuxuu xusay in koboca dhaqaalaha iyo baahiyaha jira ay sabab u yihiin dib-u-eegista khidmadaha qaar, si loo xoojiyo adeegyada ay shacabka u baahan yihiin.




