5 April, 2026
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubno ka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada , waxaana dhaariyey Wasiirada Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.
Xubnaha Wasiiradda ee maanta la dhaariyey: –
- Axmed Yaasiin Saalax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
- Ambs Maxamed Axmed Cawil, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.
- Riyaad Axmed Cali , Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka .
- Maxamuud Maxamed Daad, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.



