Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 oo ku taariikhaysan…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 oo ku taariikhaysan 28-da Oktoobar 2025, kaas oo lagu kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Puntland.
Xeerkan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha uu tixgeliyay cabashooyin taxane ah oo la xiriiray eedeymo caddaalad-darro ah oo kasoo yeeray garsoorayaasha iyo dadkii hore ugu xukun dhacay maxkamaddaas.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in talaabadan ay qayb ka tahay dib-u-habayn lagu sameynayo garsoorka maxkamadda si loo xaqiijiyo hufnaan iyo cadaalad dhab ah oo la xiriirta dacwadaha ciidamada iyo dambiyada culus.
Inta lagu guda jiro dhismaha maxkamad cusub, go’aannada la xiriira dacwadaha dambiyada culus waxaa si ku-meel gaar ah u gaari doona Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, sida lagu caddeeyay xeerka.
Sidoo kale saraakiishii hore ee ka tirsanaa Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu amray inay dib ugu laabtaan talisyadoodii hore, iyadoo Madaxweynaha uu ballanqaaday in garsoor cusub la soo dhisi doono dhawaan.





