Madaxweynaha Puntland oo kormeeray garoonka kubadda Cagta Bosaso.

Madaxwaynaha dowladda Puntlabd Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Bosaaso ayaa maanta kormeer ku tagay…

2 May, 2026

Madaxwaynaha dowladda Puntlabd Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Bosaaso ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka kubadda cagta Shuhaadada oo la soo afmeeray dhismihiisa.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda Ciyaaraha ee dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ay weheliyaan xiriirka kubadda cagta Puntland ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayanaha oo booqasho iyo idho-idhayn ku yimid Garoonka.

Dhismaha garoonka oo si casri ah loo diyaariyey ayaa waxaa 9-kooxod oo matalaya casimadaha Puntland uu uga furmi doono koobka Shuhaadada oo loo hibeeyay Halyeyadii u nafwaayay difaaca dalka.