8 July, 2025
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray Xarunta…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray Xarunta La-dagaalanka Ayaxa, Maxjarka Xoolaha, Dhismaha Xarunta Farsamada gacanta iyo Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu booqday, wuxuuna ku booriyay shaqada socota, isagoo sidoo kale dhegaystay qorsheyaasha shaqo iyo baahiyaha lagu horumarinayo xarumahaasi.






