Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan furimaha dagaalka Cal-miskaad.

13 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgalay kulan lagub dhiirigelinayo doorkii ay haweenka Puntland…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgalay kulan lagub dhiirigelinayo doorkii ay haweenka Puntland ka qaateen dagaalka Daacish ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hawlgalka Hillaac.

Madaxweyne Deni waxa uu shaaciyey in lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey ee hawlgalka, uuna dhawaan bilaaban doono hawlgalka Onkod ee Alshabaab looga xoraynayo deegaamada ay kaga sugan yihiin buuraleeyda Cal-madaw ee gobolada Bari iyo Sanaag.

“Hawlgalkii Hillaac wuxuu marayaa gaba-gabo, wuxuu marayaa meelihii iyo maalmihii ugu dambeeyey oo la rabo in laga guulaysto cadawga Daacish, waxaa la rabaa in laysu diyaariyo hawlgalkii Onkod oo isaguna bilaaban doono sida dowladdu sheegtay”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in reer Puntland ay iskutashi bulsho iyo dowladeed ku qaban doonaan shaqooyinka farsamo ee hawlgalka, isagoo haweenka ugu baaqay inay doorkooda laba jibbaaraan.

“Waxaan rabaa gabdhaha reer Puntland inay u diyaar garoobaan marxaladda cusub oo kaalintoodii cuntada, huga, daawada, daryeelka dhaawacyada iyo agoomaha kuwa dhintay dowladda ka gacan siiyaan, waxaan rajaynayaa maalmo dhaw inaan furimaha ku noqon doono si aan ciidanka u dhiirgeliyo, ilaa aan deegaamadeena ka sifayno cadaw kuleh fariisimo ciidan hawlgalku waa soconayaa kuwa magaalooyinka ku dhuumaalaysanaya waa qorshe kale”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.