Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Magaalada Badhan.

27 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa maalmaha soo socda ku wajahan gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa ku wajahan Badhan, halkaasi oo la filayo in uu shirar kula yeesho salaadiinti dhaqanka gobolka Sanaag iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxweynaha ayaa lafilayaa inuu ku beegmo dhammaadka shirka dhammaystirka maamulka KHATUMO, oo ay Villa Somalia abaabushay, si ay hal maamul ugu samayso gobolada Sool iyo Sanaag.

Isimada dhaqanka gobolka Sanaag oo uu hoggaaminayo suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan ayaa horay u diiday Shirka Laascaanood oo ay sheegeen inaysan jir cid ku matasha iyo maamul ay la dhisanayaan gobolka Sool.